Home / WARARKA DALKA (page 9)

WARARKA DALKA

Shirweynaha Qaran ee Isdhex-galka Ganacsiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Finland oo Muqdisho ka furmay “Sawirro”

Shirweynahaan Qaran ee  isdhaxgalka ganacsiga oo u dhaxeeya ganacsatada Dalalka Soomaaliya iyo Finland ayaa daba socday mid kan ka horeeyay, kaasi oo lagu qabtay magaalada Helsinki  ee dalka Finland, waxaana hogaaminayey Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha XFS oo ay wehlinayeen Wasaaraddaha Qorsheynta iyo Maaliyadda. Shir weynahaan Qaran ayaa waxaa isugu yimid in ka badan 14 shirkadood oo ka socday dalka finland ...

Read More »

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo nuqul ka mid ah warqadaha danjiranimo ka guddoomay Safiirka Indonesia+Sawirro

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Mudane Soehadjono Sastromihardjo, Safiirka Jamhuuriyadda Indonesia u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Intii kulanka qaabilaadda uu socday ayaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal u dhexeeya iyo dadaal ku bixinta sidii loo dhowri lahaa, loona horumarin ...

Read More »

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Qaar kamid ah xarumaha Wasaaradaha

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray wasaaradaha maaliyadda, arrimaha dibdada, qorshaynta, shaqaalaha iyo hawlaha guud si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horayn guddoomiyay kulan lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda oo looga hadlayay dardar-gelinta qorshaha cafinta daymaha lagu leeyahay dalka. Ra’iisul wasaaraha XFS ...

Read More »

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Beyruut Kaga Qeyb Galay Shirka Madaxeedka Carbeed Ee Dhaqaalaha…

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad , isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa waxa uu ka qeybgalay maanta Shir madaxeedka carbeed ee afaraad ee horumarinta dhaqaallaha iyo bulshada ee ay martigelinayso dowladda aanu walaalaha nahay ee Lubnaan. Shir madaxeedka carbeed oo saaka ka furmay Magaalada Beyruut – ...

Read More »

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kula kulmay Odayaasha Dhaqanka (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Barlamaanka Cabdi wali Sheekh Ibraahim muudeey ayaa Kulan is Xog-wareysi ah La Qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo Laf dhabar u ah Hogaanka Bulshada Koonfur-galbeed, Gudoomiyaha ayaa Warbixinno La Xiriirta Xaaladaha Koonfur-galbeed Ka Dhageystay Qaar Kamid ah Odayaasha iyaga Oo Ka Hadlay ...

Read More »

Wasaaradda Qorsheynta oo wadatashi ku aadan Qorashaha horuarminta Qaranka la yeelatay Gudiga Miisaaniyada Golaha Shacabka+sawirro

Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta wadatashi ku aadan geedi_socodka Qorashaha horuarminta Qaranka Sagaalaad la yeelatay Gudiga Miisaniyada,Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka JfS. Ujeedada Wadatashiga ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa diyaaringta geedi socodka Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad ee uu  wadatashi lagala yeelanayo dhamaan umadda Soomaaliyeed iyadoo maanta gudiga  ay soo bandhigeen talooyin xoojinayo diyaarinta qorshahaha. ...

Read More »

Trent Alex Arnold Oo Si Layaab Leh Uga Soo Laabanaya Dhaawacii La Filayay Inuu Bisha Ku Maqnaado, Fursadiisa Kulanka Palace Ee Berri & Xogtii Uu Maanta Bixiyay Jurgen Klopp

Da’yarka daafaca midig ee kooxda Liverpool iyo xulka qaranka England ee Tren Alexander Arnold oo markii hore la filayay inuu mudo bil ah ku maqnaado dhaawac ayaa si layaab leh uga soo muuqan kara kulanka ay berri kooxdiisu soo dhawayn doonto Crystal Palace. Arnold ayaa walow uu ciyaaray dhammaan 90-kii daqiiqo ee kulankii ay guusha kasoo gaadheen Brighton hadana uu ...

Read More »

Ciidamada Ammaanka Oo Soo Qabtay Xubin Sare Oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka amniga Soomaaliyeed, ayaa Gacanta ku soodhigay 18 ka bishaan dhagar-qabe sare oo ka tirsanaa amniyaadka kooxda Al-shabaab. Warkan oo ay hay’adda Nabad sugidda Qaranka ee NISA ku shaacisay boggeeda Twitter-ka, ayaa lagu yiri” Howlgal qorshaysan oo si taxader leh loo fuliyay ayaa Ciidamada Amaanku 18-ka bishaan, kusoo qabteen xubin hogaamiye u ahaa koox amniyaad ah oo ka howlgala magaalada ...

Read More »

Qarax Qasaaro Geeystay oo ka Dhacay Magaalada Baydhabo…

Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhimatay qarax caawa ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Qaraxan oo ka dhex dhacay mooto bajaaj ayaa xilligii Salaadda Maqrib ka dhacay xaafadda Isha, gaar ahaan Laanta Koowaad. Labada qof ee dhimatay iyo midka kale ee dhaawacmay ayaa lagu kala sheegay darawalkii mooto bajaajka iyo laba nin oo ...

Read More »

Koonfur Galbeed Oo Sheegtay inay awood ku Soo furaneyso dad ay afduubteen Shabaab

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in ay xoog ku soo furan doonaan ku dhawaad 100 qof oo Al Shabaab ay ka afduubteen degaano hoos yimaada degmada Xudur ee gobolka Bakool. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed Cabdirisaaq Cali Aadan ayaa sheegay in dadkan la afduubtay saacaddihii la soo dhaafay kadib markii ay diideen in ay bixiyaan waxa ...

Read More »