Home / WARARKA DIBADA (page 10)

WARARKA DIBADA

Dowlada Itoobiya Oo Amar Ku Bixisay in Xabsiga la Dhigo Taliyihii Hore ee Sirdoonka

Dowladda Itoobiya ayaa waxay warqad lagu soo xirayo u jartay Madaxii hore ee sirdoonka dalkaas Getachew assefa. Ninkan ayaan ku jirin kulankii Xisbiga talada haya ee EPRDF, waxaa sidoo kale la sheegayaa in muddo bil ah aan bartiisa la arag. Warbaahinta Itoobiya qaarkood ayaa qoray Getachew assefa inuu u baxsaday dhinaca dalka Suudaan, isagoo muddo ku sugnaa gobolka Tigray ee ...

Read More »

Garoonka Weyn US Banka Stadium ee Magaalada Minneapolis  Oo Markii ugu Horreysay Muslimiintu Ku Dukadaan Salaadda Ciidul-Adxaa

Garoonka weyn US Banka Stadium  ee dhaca bartamaha magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota oo ay Somalidu u badan tahay ayaa taariikhda Markii ugu horraysay Muslimiinta Ku nool Gobolka Gudaha garoonka ku oogay Salaadd Ciidul Adxa. Muslimiinta Gobolka Minnesota ee soo xaadiray oo raxan raxan u galiyey Gudaha garoonka  ayaa lagu qiyaasay 25 kun,iyagoo dhammaan wajiyadooda laga dareemayey farxad iyo rayn ...

Read More »

Dalalka Islaamka Qaarkood iyo Gobol ka Mid ah Somalia oo Maanta Aan laga Ciideynin

Qaar ka mid ah dalalka Muslimka ayaa Sacuudiga ku khilaafay Munaasabada maalinta koowaad ee Ciidul adxaa oo inta badan caalamka Islaamka looga degayo maanta oo Talaado ah. Sacuudiga ayaa horey u shaaciyey in 10-ka bisha Dul-xijah sanadka 1439 ay ku beegan tahay maanta oo Talaado ah taariikhda miilaadiguna tahay 21-ka bisha Agoosto Sanadka 2018. Balse qaar ka mid ah dalalka ...

Read More »

SAWIRO: Wasiirad Baaskiil Ku Tagtay isbitaalkii ay ku Umuli Aheyd.

Haweeneyda wasiiradda haweenka ka ah dalka New Zealand ayaa baaskiil ku aadday isbitaalka si ay ugu soo umusho cunugeeda ugu horreeya, ka dib markii ay u dhammaadeen 42 isbuuc. Julie Genter oo siyaasad ahaan ka tirsan xisbiga Green Party ayaa sheegtay in ay baaskiilka qaadatay si looga soo umuliyo sababtoo ah “Ma jirin boos ku filan oo ay ka heli ...

Read More »

Dowladda Afganistaan oo Xabad Joojin ku Dhawaaqday

Ashraf Ghani Madaxweynaha wadanka Afganistaan ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin ay shuruud ku xiran tahay oo lala galo kooxda Taliban,si loo nabadeeyo dalkaasi,islamarkaana loo bad baadiyo dhiiga shacabka,isagoo xusay in Xabad joojintani ay billaabanayso inta aan lagaarin munasabadda ciidda. Waxaa la filayaa in Xabad joojinta uu ku dhawaaqay madaxweyne Ghani ay socon doonto muddo saddex billood ah,taasi oo shaki laga ...

Read More »

Dhulgariir Xoogan Oo Mar kale ku Dhuftay Indonesia- Lombok

Jasiradda Lombok ee dalka Indonesia waxaa mar kale ku dhuftay dhulgariir xoogan,kadib laba todobaad oo halkaasi ay ku dhinteen in ka badan 460-ruux. Dhulgariirka maanta ku dhuftay,ayaa cabirkiisa lagu sheegay 6.3,kaas oo saameyn ku yeeshay dhul gaaraya ballac ahaan 7-km, mana cadda illaa hadda waxyeelada uu geystay dhulgariirkaasi. Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhulgariirkaasi laga Dareemay Bariga Jasiiraddaasi,waxaana dad badan oo ...

Read More »

Madaxweynaha Masar oo Saxiixay Sharci lagu Xakamaynayo Internet-ka

Madaxweynaha dalka Masar,Abdel Fattah al-Sisi, ayaa saxiixay sharci lagu adkeynayo xakamaynta adeegyada internetka dalkaasi. Xukuumadda dalkaasi ayaa sheegtay in tallaabooyiinkan looga gol leeyahay in lagu xaliyo xasilooni darada iyo argagixisada. Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay dowladda in ay isku dayayso in ay aamusiiso dadka siyaasad ahaan ka soo horjeeda. Sharciga cusub ayaa ka dhigan in bogagga internet-ka ...

Read More »

Imran Khan oo loo dhaariyay Xilka Ra’iisul Wasaarenimo ee Dalka Pakistan.

Cayaaryahankii hore ee cayaarta cricket-ka  Imran Khan ayaa loo dhaariyay inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha dalka Pakistan, markii 20 sano kadib uu ku soo biiray masraxadda Siyaasadda. Mr Imran Khan ayaa jimcihii shalay goluhu isku raacay in uu noqdo Ra’iisul wasaaraha Pakistan, taasi oo ka dambeysay markii xisbigiisa PTI ay ku guuleysteen inta badan kuraasta baarlamaanka doorashadii bishii July ka dhacay ...

Read More »

Xoghayihii Hore ee Qaramada Midoobey Kofi Annan oo Geeriyooday

Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobey Kofi Annan ayaa geeriyooday, isagoo da’diisa aheyd 80 jir. Kofi Annan oo ahaa Diblomaasi u dhashay dalka Ghana ayaa xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey hayay sanadihii 1997 illaa 2006. Geeridiisa ayaa la shaaciyay goor dhoweyd, kaddib muddo kooban oo uu xanuunsan, waxaa uu ku geeriyooday dalka Switzerland. Kofi Annan ayaa noqday ninkii u horeeyay ...

Read More »

Xoghayaha Guud Ee QM Oo Soo Jeediyay in Ciidamo la geeyo Dhulka la Heysto ee Falastiin

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay inay muhiim aheyd in Ciidamo la geeyo dhulka la heysto ee Falastiniinyiinta, si loo difaaco dadka dadka Falastiin. Antonio Guterres ayaa sheegay in dadka ku nool dhulka la heysto ee Falastiin ay soo wajahday caqabado iyo dhibaatooyin ay kala kulmayaan Milateriga Israa’iil, isla markaana muddo dheer ay heysato halis amni. Waxaa ...

Read More »