Home / WARARKA DIBADA (page 3)

WARARKA DIBADA

Booliska Dalka Talyaaniga Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Ku Eedeysan Kufsi

Ciidanka Jasiiradda Ortona ee dalka Talyaaniga ayaa xaqiijiyay nin 20 jir Soomaali ah in uu isku dayay kufsiga haweeney waayeel ah xeebta ku taal magaalada Abruzzo. Booliska ayaa sheegay ninkan oo dhawaan galay Talyaaniga in uu ahaa shaqsi magangaliyo doon ah, islamarkaana uu dhagaxaan waa weyn ee ku weeraray Haweenayda ka hor falka kufsiga ah. Haweeneyda ayaa ku guulaysatay in ...

Read More »

Sacuudiga Oo Dil La Raba “Dadkii Dilay Khaashuqji”

Dacwad oogaha guud ee Sacuudiga ayaa codsaday in ciqaab dil lagu xukumo shan qof oo la sheegay in lagu tuhmayo dilka suxufi Jamaal Khaashuqji. Khaashuqji oo ahaa weriye si weyn u dhaliila dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, kaasi oo wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa la dilay labadii October markii uu booqday qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Afhayeen u ...

Read More »

Safiirka Cusub Ee Mareykanka Oo Soo Gaaray Muqdisho…..

Danjiraha cusub ee Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Y. Yamamoto, ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho sida lagu daabacay bogga howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya. Mr Yamamto, ayaa lagu sheegay in uu si dhow ula shaqeyn doono dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, Ururrada Bulshada rayidka,Haween, Dhallinyarada iyo Hay’daha amaanka Soomaaliya si dowladda Soomaaliya looga caawiyo dib u dhiska. Qoraalka lagu daabacay ...

Read More »

Duqeymo ka Dhacay Gaza iyo Xamaas oo Gantaalo Ku riday Israel

  Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa duqeeyey xalay dhowr xarun oo ay Xamaas ku leedahay Gaza, waxaana kamid ah goobaha la duqeeyey Telefishinka Al Aqsa ee Xamaas & xarun ciidan. Duqeynta ugu danbeysay ayaa timid kadib markii Xamaas gantaalo ku tuurtay dhulka Israel maamusho taasi oo ay uga jawaabayeen weerarkii komaandooska Israel habeenkii Axada ku dileen 7 qof oo reer ...

Read More »

Saraakiil reer Gaza ah oo sheegay in Israeli ay dileen 7-ruux

Ciidamada Israeli ayaa Marinka Gaza ku dilay 7-Falastiiniyiin ah ka dib kolkii howlgal qarsoodi ah iyo duqeyn xagga cirka ah ay la beegsadeen saraakiil ka mid ah ururka Xamaas. Sarkaal ka tirsan Xamaas Ghazi Hamad ayaa sheegay in Unug ka socda ciidamo Israeli oo  wata Gaari kuwa shicibka ah ,isla markaana ay dusha kala socdaan diyaaradaha wax duqeeya ay gudaha ...

Read More »

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo xilka ka qaaday Jeff Sessions

Xeer illaaliyaha guud ee Maraykanka Jeff Sessions ayaa xalay xilka iska casilay kadib markii uu sidaa uu ka codsaday Madaxweynihii horey usoo magacaabay ee Donald Trump. Donald Trump ayaa bilihii lasoo dhaafay marar badan cambaareeyey xeer illaaliyihiisa oo uu sheegay inuusan qaban hawshii loo igmaday. Jeff Sessions oo ahaa Senator ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ahaa Xildhibaankii ugu horeeyey oo ...

Read More »

Laba Suxufi oo ka tirsan CPJ oo lasii daayay

Masuuliyiinta Dalka Tansaaniya ayaa sheegay in lasii daayay Laba Suxufi oo ka tirsanaa Ururka CPJ (Committee to Protect Journalists), kuwaasoo ku xirnaa meel aan la garanayn. Ms, Muthoki Mumo , oo asal ahaan kasoo jeedda Dalka Kenya ayaa horay ugu tirsanayd Jariiradda , Nation Media Group’s Business Daily,iyadoo haatanna ahayd wakiilka dhinaca Saxaafadda ee Dalalka Saxaaraha ka hooseeya , halka ...

Read More »

Ilhan Cumar oo ku Guuleysatay Doorashadii Maraykanka

Ilhan Cumar, Hodan Xasan, iyo Maxamuud Nuur ayaa ku guuleystay doorashooyinkii ay ka galeen gobolka Minnesota, iyada oo Ilhan Cumar ay ka mid noqon doonto Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka, halka Hodan Xasan iyo Maxamuud Nuur ay ka mid noqon doonaan Aqalka Hoose ee baarlamaanka gobolka Minnesota. Dhinaca kale, Keith Ellison oo horay u ahaa xubin ka tirsan Aqalka Hoose ...

Read More »

Talyaaniga oo Soo Saaray Sharci Cusub oo Xaddidaya Muhaajiriinta

Reysal wasaare ku xigeenka dalka Talyaaniga ahna wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi, Matteo Salvini, ayaa sharci ku aaddan xaddidda soo galootiga soo saaray dhawaantan. Shan tii bilood ee ugu dambeysay, waxa yaraaday dadkii soo galootiga ah ee imanayay dalka Talyaaniga, kadib markii dowladda dalkaasi ay ka hor istaagtay tiro doonyo ah oo sidey tahriibayaal doonayay inay dalkaasi soo galaan. Doonyahaasi qaarkoood ...

Read More »

Brazili oo laga dalbaday in ay ka laabato go’aanka Safaaradeeda Tel Aviv ay ku geeneyso Qudus

Jaamacadda carabta ayaa shalay oo Jimco aheyd ku baaqday in Madaxweynaha la doortay ee dalka Brazili Jair Bolsonaro uu dib uga laabto go’aanka Safaaaradda dalkasi ee Israel loogu rarayo Qudus. Hadal uu baahiyay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Abul-Gheit ayaa lagu sheegay in Brazil ay tahay wadan sumcad leh oo xurmeeya Qaanuunka Caalamiga ah,isla markaana xiriir wanaagsan la leh ...

Read More »