Home / WARARKA MAANTA (page 10)

WARARKA MAANTA

Qarax Qasaaro Geeystay oo ka Dhacay Magaalada Baydhabo…

Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhimatay qarax caawa ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Qaraxan oo ka dhex dhacay mooto bajaaj ayaa xilligii Salaadda Maqrib ka dhacay xaafadda Isha, gaar ahaan Laanta Koowaad. Labada qof ee dhimatay iyo midka kale ee dhaawacmay ayaa lagu kala sheegay darawalkii mooto bajaajka iyo laba nin oo ...

Read More »

Koonfur Galbeed Oo Sheegtay inay awood ku Soo furaneyso dad ay afduubteen Shabaab

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in ay xoog ku soo furan doonaan ku dhawaad 100 qof oo Al Shabaab ay ka afduubteen degaano hoos yimaada degmada Xudur ee gobolka Bakool. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed Cabdirisaaq Cali Aadan ayaa sheegay in dadkan la afduubtay saacaddihii la soo dhaafay kadib markii ay diideen in ay bixiyaan waxa ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo duubabka dhaqanka kala hadlay hawlaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed+ Sawirro

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  oo kulamo wadatashi ah kula qaatay Magaalada Baydhabo Odayaasha iyo duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa ku ammaanay kaalinta ay ka gaysanayaan taabbo gelinta hawlaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada degaannadaasi. Madaxweynaha,ayaa dul istaagay sida shacabka ay ugu dhego nugul yihiin duubabkooda dhaqanka, taasoo ay tahay in lagu xoojiyo dowladnimada iyo wadajirka ...

Read More »

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Maanta kormeeray Lix Wasaaradood

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta kormeeray Wasaaradaha Warfaafinta, kalluumaysiga, Haweenka, Ganansiga, Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha. Ra’iisul wasaaraha oo kormeerka sameeyay Subaxnimadii hore ee Maanta ayaa tegay waaxyada ay ka koobanyihiin wasaaradahaasi, isaga oo shaqaalaha iyo agaasimayaasha ka xog-waraystay hannaanka shaqooyinku ay u socdaan. Kormeerka oo qayb ka ah hawlaha kor-joogteynta ah ee lagula ...

Read More »

Madaxweyne Trump”Waa ceeb in la i weydiiyo xiriir in uu igala dhexeyo Ruushka”

Iyadoo ay sii xoogaysanayaan eedeymaha ku aadan in madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Jey Trump uu xiriir uu kala dhexeeyo hoggaamiyaha Ruushka Putin ayaa hadana madaxweyne Trump wuxuu si weyn uga soo horjeestay eedeymahaasi, oo uu ku tilmaamay abeen abuur. Madaxweynaha Mareykanka oo warbaahinta kula hadlayay bannaanka Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb-galay xaflad lagu soo xirayay Kalfadhig 4-aad ee Golaha Shacabka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa ka qayb galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xirayay Kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka. Madaxweynaha ayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay shaqooyinkii ay qabteen intii uu socday Kalfadhigii 4-aad, isaga oo ka dhawaajiyay ansixinta sharciyo muhiim u ah ummadda Soomaaliyeed. Madaxweyne ...

Read More »

Golaha Shacabka Oo Meel Mariyay Xeerka Maamulka Bangiga Dhexe

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo wax ka bedel lagu sameeyay. 158-Xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 17-xildhibaana ay diideen,waxaana sidaasi ansax ku noqday xeerka wax ka bedelka Maamulka Bangiga Dhexe. Sidoo kale,Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankooda maanta ku ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka ...

Read More »

Golaha shacabka oo ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka. 163-xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaa diiday 13 xildhibaan, wax ka aamusay malahan. Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa sheegay inuu ansax yahay wax ka bedelka lagu sameeyay Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka.

Read More »

R/wasaare Khayre Oo Soo Geba Gebeeyey la Xisaabtanka Golaha Wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa soo gebegebeyay isla-xisaabtanka golaha wasiirrada oo si joogta ah u socday muda shan maalin ah Ra’iisul wasaaraha ayaa wasiirrada kula xisaabtamayay shaqooyinkii ay ka qabteen hal-beegyada qorshohoodu ahaa in lagu guulayso sannadkii tegay ee 2018, waxaa kale oo wasiirradu ay saxiixeen halbeegyooda ay doonayaan in ay fuliyaan sannadka 2019. Wasiiru ...

Read More »

Wasiirka Maaliyadda XFS oo si rasmi ah u daah-furay isticmaalka Miisaaniyadda Dalka ee 2019

Isticmaalka Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2019 ayaa maanta si rasmi ah u furmay ka dib munaasabada ballaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho,taasi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kaladuwan. Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo  maanta si rasmi ah u Daah-furay isticmaalka Miisaaniyadda Dalka ee Sanadkan 2019,madaxda wasaaradaha iyo hay’adaha ...

Read More »