Home / WARARKA MAANTA (page 2)

WARARKA MAANTA

Golaha Wasiirrada Hirshabeelle Oo Ansixiyay Afarta Tubood Iyo Halbeegyada Ku Xusan “Sawirro”

20 Maarso 2019: Iyaddoo laga amba qaadayo qorshaha horumarinta qaranka iyo halbeegyada iyo hawalaha afarta tubood ee qaranka iyo mabaadi’da federaalka ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya sida ku xusan qodobka 50aad Dastuurka KMG ee JFS, Golaha Wasiirrada waxay go’aamiyeen in ay ku shaqeeyo Afar Tubood. Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, iyadoo fulineysa siyaasadda Qaran ee daadajinta awoodaha, adeegyada, dowlad wanaagga iyo isla-xisaabtanka ee ...

Read More »

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo baaq degdeg ka soo saartay dagaallo ka dhacay Sh/Dhexe iyo G/galaduud

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Arrimaha Federaalka dowladda Soomaaliya ayaa baaq ka soo saartay dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud. War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in kaalin weyn ay ka qaadaneyso dib u heshiisiinta oo ka mid ah howlaha ay wasaaraddu u xil saaran tahay. Mas’uuliyiinta Maamulada Hirshabeelle iyo ...

Read More »

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirka qiimeynta Waxqabadka Wasaaradda Warfaafinta XFS.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta soo xiray Shirka qiimeynta iyo Dejinta qorsheyaasha  Wasaaradda Warfaafinta XFS ee 2019-2020, kaasi oo muddo seddex maalin ah ka socday magaaladda Muqdisho. Shirkaan oo ah mid lagu qiimeynayey waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradda Warfaafinta sanadkii la soo dhaafay ee 2018-ka iyo Dejinta qorsheyaasha Wasaaradda Warfaafinta XFS ee 2019-2020 ayaa ...

Read More »

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay Hormarinta Wax soosaarka Beeraha

Wasiirka Beeraha iyo waraabka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo howlo shaqo u tagay Magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa halkaasi waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa Wasiirka dowladaha Hoose deeganka iyo beeraha ee dalka Qatar Cabdullahi bin Abdulaziz bin Turki. Labada wasiir ayaa ka wada hadlay Dhowr qodob oo ay ...

Read More »

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dalka oo Ka Warbixiyay Booqashadii Madaxweynaha Djibouti ee Muqdisho

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa ka war bixiyay natiijada booqasho labo maalin qaadatay oo dalka uu ku yimid madaxwaynaha dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo si qota dheer uga war bixiyay xariirka walaatinnimo ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab, ayaa sheegay intii lagu guda ...

Read More »

Madaxweynaha JFS oo galabta sagootiyay Wafdiga madaxweynaha Jabuuti+Sawirro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta kusii sagootiyay Garoonka Aadan Cabdulle Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaaran oo ku wehliyay safarkiisa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mudadii labada maalin ahayd ee uu ku sugnaa magaalada Muqdisho wuxuu kulan labo geesood ah la yeeshay madaxweynaha Jamhuuriyadda ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle oo si wadajir xarigga uga jaray Safaaradda Jabuuti (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho, taasoo dhowaan la dhisay. Safaaradda ayaa ku taala degmada C/casiis, gaar ahaan halka loo yaqaano Mariinada, waxaana uu dhismaha Safaaradda qaatay muddo labo sano, iyadoo bishii February ee sanadkii 2017 la dhagax dhigay. Munaasabadda furitaanka ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle oo wadahadallo ku yeesahy Villa Soomaaliya (sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Villa Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah ee u taagan ...

Read More »

Madaxweyne Geelle oo Booqasho labo Maalmood ah ay uga Bilaabatay Soomaaliya.+SAWIRRO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho. Madaxweyne Geelle oo booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ay uga bilaabatay dalka ayaa waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho kusoo dhaweeyey Dhiggiisa Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle  iyo Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Muqdisho, waxaana garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo. Wefdiga Madaxweyne Geelle ayaa waxaa kamid ah Wasiirro, Xildhibaano iyo Fanaaniin, waxaana Qorshuhu uu yahay in Madaxweynaha Jabuuti uu furay Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya oo ...

Read More »