Home / WARARKA MAANTA (page 5)

WARARKA MAANTA

Boliiska Kenya oo Gacanta ku dhigay xarun lagu tababari jiray Al-Shabaab

Boliiska Degmada, Ngombeni, ayaa Jimcaha Maanta ah weerar ku qaaday Guri ku yaalla degaanka , Kwale, halkaas oo ay tababar ku qaadan jireen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Guriga ay baaritaanka ku sameeyeen Boliiska Kenya ayaa waxaa laga helay , waxyaabaha qarxa, Tuutaha Ciidamada, Mindiyo, Aaladaha lagu Feertamo, Sanaaddiiq ay ku jiraan Kitaabbo, qoraallo Diini ah iyo Calamada Madoow ee ...

Read More »

Wasiirka Cadaaladda XFS Oo Faah Faahiyay Shir uu uga Qeybgalay Tunisia (sawirro)

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa kawar bixiyay Shirka wasiirada cadaaladda iyo arrimaha gudaha ee Jaamacadda Carabta oo lagu soo gabagabeeyay magaalada tuunis ee Dalkaasi Tunisia kaas oo Soomaaliya uu uga qaybgalay wafdi uu hogaaminayay wasiirka Cadaaladda. Wasiirka ayaa sheegay in shirka looga hadlay arrimo badan oo muhiim u ah amniga iyo cadaaladda dalalka Carabta, islamarkaana Soomaaliya ...

Read More »

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Haweenka…

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane XAsan Cali Khayre ayaa soo xiray shir-weynaha qaran ee haweenka Soomaaliyeed oo muddo saddex maalin ah ka socday magaalada Muqdisho. Ra’iisulwasaare Kahyre ayaa tilmaamay kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin qaranimada iyo dib-u-dhiska dalkeena. “Dowlad ahaan waxaa naga go’an in aan xaqiijinno in haweenka la siiyo maqaamkooda si ay ugaaraan guulahooda. Marnaba iskama indha tiri ...

Read More »

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Masar

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed  Abuubakar Isloow ayaa la kulmay  Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Masar, General Maxamuud Towfiiq. Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow(Ducaale) ayaa bogaadiyay kaalinta hoggaamineed ee  Masar ay ku leedahay Qaaradda Afrika. Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa intaas ku daray inay Soomaaliya doonayso  in ay ka faa’iideysto khibradda Masar ee ku ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Ingiriiska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ingiriisku u soo magcawday Soomaaliya Mudane Ben Fender. Danjiraha cusub ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda dalka Ingiriiska, isaga oo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay weerarradii ay dhawaan argagaxisadu ku beegsatay shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. ...

Read More »

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya Dalka Kuwait

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa gaaray Magaalada Kuwait City, halkaasi oo uu kaga qeyb geli doono Shirka Dhaqaalaha Carabta, kaasi oo ka dhici doona magaaladaasi. Wasiirka ayaa ku amaanay madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen. “Waxaan gaaray Magaalada Kuwait City oo aan dhawaan uga qeyb galidoono shirka dhaqaalaha Carabta. Waxaan ...

Read More »

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay weerarkii Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Marka hore guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii ku shahiiday weerarkii kooxaha Argagxisada ay ku qaadeen goobo isugu jira ganacsi,meelo ay dadka isugu yimaadaan iyo guryo ay dad shacabka ah degan yihiin,wuxuuna  Caafimaad deg deg ah Alle ugu baryay dadkii ay dhaawacyadu soo gaareen. “Innaa lillaah wa innaa ...

Read More »

Shirka Saddex Billaha ah ee Cadaaladda oo lagu qabtay Muqdisho.

Waa shir seddexdii biloodba mar ay isku yimaadaan bahda cadaaladda dalka iyo deeq bixiyeyaasha caalamka, kaasoo lagu soo bandhigo wax yaabaha laga qabtay arrimaha garsoorka iyo Cadaalada markaasi socda ee la doonayo in lagu sii hormariyo, waxaa ka qayb galay wakiilo ka socday dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, gobolka Banaadir Wasaaradda Cadaaladda oo hormuud u ah xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo ...

Read More »

Madaxweynaha JFS iyo Wafdigii uu hoggaaminayey oo gaaray magaaladda Doha ee Dalka Qatar “Sawirro”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa gaaray magaalada Dooxa, wuxuuna berri wada hadallo la yeelanayaa Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Doha, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dawladda Qatar iyo ...

Read More »

Sucuudiga oo Haweenay U Magacaabay Danjirehiisa Maraykanka…

Sucuudiga ayaa sheegay in Amiiradda Riima Bint Bandar ay noqon doonto danjirahiisa cusub ee dalka Maraykanka, taas oo aha haweenaydii ugu horraysay ee boqortooyadu xil danjirenimo u magacawdo. Magacaabideeda waxa lagu shaaciyey digreeto boqortooyo oo soo baxday Sabtidii. Amiirad Riima waxay qayb ka mid ah caruurnimadeedii ku qaadatay Washington oo ay ku kortay. Waxay xilkan qabanaysaa xilli adag oo Sucuudigu ...

Read More »