Home / WAXBARASHADA (page 2)

WAXBARASHADA

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo amray in dugsiyada dib loogu soo celiyo magacyadii hore

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil. Cabdullaahi Goodax Barre ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay in muddo 30 cisho gudaheed looga baahan yahay cid kasta oo gacanta ku heysa dugsi ay dib ugu soo celiso magacii uu lahaan jiray ka hor 1-1-199o-kii. “Markaan aragnay go’aankii ka soo baxay shirkii Dhuusa-mareeb ee Wasaaradda Waxbarashada ...

Read More »

Wasiirka Waxbarashada XFS Oo La kulmay Maamulayaasha Dugsiyada Dowladda Sawirro

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta  sare ee Xukuumadda  Federaalka  Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulan la qaatay, maamulada, guddoomiyeyaasha, iyo kormeerayaal ka tirsan dugsiyada ay maamusho Dowladda ee ku yaalla Gobolka Banaadir. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Feysal Cumar Guuleed, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Cabdiraxmaan Maxamuud Guuleed, agaasimaha guud ee Wasaaradda, Xassan ...

Read More »

Wasiirka Waxbarashada XFS Oo La Kulmay Xubno Ka Tirsan Midowga Yurub (Sawirro)

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulan ka qaatay madaxa waaxda  horumarinta adeegga bulshada midowgga Yurub gaar ahaan Soomaaliya Mr, Olivier Louis. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa  xoghayaha joogtada ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane  Axmed Xassan iyo Maxamed Sabuul oo ka socday midowga Yurub. Arrimaha kulanka lagu lafa guray ayaa waxaa ka mid ah  ...

Read More »

Wasiirka Waxbarashada oo la kulmay Madaxa USAID u qaabilsan Waxbarashada iyo Caafimaadka

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxa hay’adda USAID u qaabilsan adeegga bulshada, gaar ahaan Waxbarashada iyo Caafimaadka, Mr. Kevin Smith. Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xoghayaha joogta ee wasaaradda waxbarashada mudane Axmed Xassan Yuusuf, iyo Iimaan Yaroow oo ka socday USAID. ...

Read More »

Tababarka Laga bilaabay Jowhar Tababarayaasha Waxbarashada Madaniga Ee Dib-u-Eegista Dastuurka (Sawirro)

Waxaa magaalada Jowhar ee Casimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeella ka furmay tababarka tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka oo ay wada qabanayaan Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS iyo Wasaaradda Arimaha Dastuurka iyo Federaalka ee Hirshabeelle. Ugu horeeyn waxaa tababarka furay Wasiirka Arimaha Dastuurka ee Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdiraxmaan wuxuuna uga mahadceliyay wafdiga Wasaaradda Dastuurka ee XFS sida ay ...

Read More »

Tababar ku saabsan Waxbarashada Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka oo ka furmay Cadaado

Wasaaradda arrimaha dastuuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wasaaradda arrimaha dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ayaa maanta magaalada Cadaado ka furay tababarka tababarayaasha waxbarahda madaniga ah iyo wacyi gelinta dadwaynaha ee ariimaha dastuurka. Tababrkaan oo socon doona muddo afar maalin ah ayaa labada maalin ee ugu horraysa waxaa ka faa’iidaysan doona bulshada rayidka ah ee ku dhaqan deegaanada Galmudug ...

Read More »

AKHRISO:- Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Soo Saartay Nidaamka Hirgelinta Waxbarashada Dalka

Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa soo saaray wareegto ku saabsan Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka maadaam dhawaan lagu wado in la furo sannad dugsiyeedka Waxbarsho. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Xassan Maxamed Cali ayaa saxaafadda u akhriyay wareegtada ka soo baxday Wasaaradda waxaana kamid ah , si looga fogaado jahawareer ku dhaca caruurta ...

Read More »

Saraakiil Tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo Tababar Uga Furmay Tanzania…..

Ku dhawaad 20 Sarakaal oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa tababar la xariira hubinta dukumintiyada iyo habka loo bixiyo tababarada waxaa uu uga furmay Dalka Tanzania. Tababarkan oo ay bixinayaan khuburo heer caalami ah oo ka socda dalalka Yurub iyo Hay’adda Socdaalka Aduunka IOM ayaa waxaa daahfuray Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Cabdulahi Xaaji Bashiir. Tababarka ...

Read More »

Dowlada Kenya oo ka Hadashay Qarax lagu dilay Shaqaale Kenyan ah…….

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in saddex ka mid ah shaqaalaha waddooyinka Nadiifiya lagu dilay Qarax shalay ka dhacay duleedka Magaalada Mandheera… Gudoomiye ku xigeenka Koofurta Mandheera  Paul Kemei, ayaa sheegay in shaqaalaha ay u socdeen goobtooda shaqada markii gaari ay wateen uu dul maray Miino waddada la geliyay.. Paul Kemei, waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska ay hawlgal sameeyeen kaddib ...

Read More »

Bam Gacmeed Lagu Turay Ciidamo Ka tirsan Dowlada Somaia Oo Lagu Dilay Wade Mooto Bajaaj Iyo Ragii Tuuray…..

Ninkii waday Mooto Bajaajta ayaa ku dhintay halka askariga oo saarnaa mootada qaybta dambe dhaawac uu soo gaaray, kadib markii qarax bam gacmeed lagu weeraray. Mootadan ayaa xilliga qaraxa lagu tuuraayay, waxa ay mareysay halka loo yaqaan Shaneemo Cabdi Waayeel oo ka tirsan Degmada Heliwaa, waxaana goobta ka baxsaday ninkii bambada tuuray. Saraakiisha ciidamada dowladda waxa ay inoo sheegeen goobtaasi ...

Read More »